Madaxweynaha dalka oo amray dib u dhiska buundada Nithi

0
381

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dhawaan la guda geli doono dhisidda buundada Nithi Bridge oo ay horay shilal uga dhaceen.
Waxaa uu sheegay in maanta la shaacin doono qandaraaska dib loogu dhisaya buundadaasi.
Buundadan ayaa markii ugu horreysay la dhisay sanadkii 1985 iyadoo dad badan ay ku nafwaayeen shilal halkaasi laga soo tabiyay.
Madaxweynaha ayaa xusay in mashruucan ay ku baxaysa ilaa 7 bilyan oo shilin.
Waxaa uu tilmaamay inuu amar ku bixiyay in dib u dhiska buundadan la soo gabagabeeyo ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-da.