Tababar ka dhan ah maalgelinta argagixisada oo ka socdo Kenya

0
266

Waxaa maalinkii labaad magaalada Nairobi ka socdo tababar ay Kenya martigelinaysa oo ka dhan ah maalgelinta argagixisada.
Tababarka ayaa la qorsheeyay inuu socdo shan cishe waxaana cinwaan looga dhigay la tacaalidda maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinaya fahanka nabadgalyada ee hay’adaha ammaanka ee dalalka xubnaha ka ah isbeheysiga islaamiga militari ee la dagaallanka argagxisada ee [IMCTC].
Waxaa saraakiisha tababarka loo sameynaya la fahansiinaya xeerarka maxalliga iyo kuwa caalamiga ee la tacaalidda maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.
Ujeeddada tababarka ayaa ah in sare loo qaado xirfadaha howlwadeennada gaar ahaan tiknolojiyadda casriga ee qiimeynta xogaha maaliyadeed iyo in ay gartaan waxyaabaha laga shakin karo.