DHEGEYSO:Booliis Kitui ku dilay gabadh ay wada sheekeysanayeen oo la raadinaya

0
358

Waxaa la raadinaya sarkaal ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka oo toogasho ku dilay gabadh ay wada sheekeysanayeen iyo saaxiibteed oo ay gurigeeda u tagtay si ay ugu badbaado.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in askariga uu goobta ka baxsaday ka dib markii uu gaystay falkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qorigiisa oo ah nooca AK47 oo ay ku jirta 26 xabbo oo rasaas ah uu uga tagay meel duur ah isagoo ka cararay magaalada.
Sarkaalka iyo gabadha ayaa wada murmay ka hor inta uunan ka takhalusin.
Dhacdadan ayaa xalay laga soo tabiyay meel u dhow goob lagu caweeyo oo ku taalla Kitui sida ay sheegeen booliiska iyo goobjoogayaal.
Askariga ayaa lagu magacaabaa Bernard Siambe wuxuuna ka howlgalaa saldhigga booliiska ee Kanyonyoo.
Gabadha ay wada sheekeysanayeen ee uu dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Joy Mutisya halka magaca saaxiibadeed lagu soo koobay Judy.
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Kanyonyoo oo dhacdadaasi cambaareeyay ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.