Moses Kuria oo horay u soo noqday la-taliyaha dhanka dhaqaalaha ee madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wasiirka caafimaadka Aadan Barre Ducaale ku dhaliilay hadal uu maalmo ka hor jeediyay.
Ducaale ayaa hoosta ka xarriiqay in xildhibaankii hore ee deegaanka Kesses ee ismaamulka Uasin Gishu Swarup Mishra lagala laaban karo jinsiyadda oo waddanka laga tarxiili karo.
Tani ayaa timid ka dib markii isbitaalka Mediheal oo uu Mishra leeyahay lagu eedeyay ka ganacsiga unugyada aadanaha in kastoo ay eedeyntaasi iska fogeeyeen.
Moses Kuria ayaa qoraal ku xusay in hadalka wasiir Ducaale uu ahaa mid aan laga fiirsan oo dhaawacaya sumcadda maalgashi ee Kenya.
Waxaa uu sheegay in wasiirka uunan si toos ah u qaabilsanayn arrimaha socdaalka.