Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday go’aan uu hoggaamiyaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ilaa 129 sarkaal uu ugu magacaabay in ay xubno iyo madax ka noqdaan guddiyada iyo waaxyaha dowladda.
Guddi ka kooban saddex garsoorayaal ayaa tixgeliyay dacwad loo gudbiyay oo arrinkan looga soo horjeeday.
Bishii lixaad ee sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii uu Mr. Kenyatta magacaabiddan sameeyay.
Maxkamadda ayaa sheegtay in aan la marin hab-raaca habboon ee dastuuriga ah.
Tani ayaa ah dharbaaxo kale oo soo gaartay maamulka talada haya ee Jubilee maadaama 13-kii bishan maxkamadda ay laashay qorshaha sharci beddelka ee loo yaqaano BBI.
Garsoorayaasha waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabidii uu sameeyay madaxweynaha ayaa kala ah Jessie Lesiit, Chacha Mwita iyo Lucy Njuguna waxayna dhammaan isku raaceen in aynan jirin daahfurnaan iyo tartan loo siman yahay oo shakhsiyaadkan lagu soo xushay.
Ilaa iyo hadda xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka Mr. Paul Kihara Kariuki ayaan ka hadlin go’aanka maxkamadeed ee la xiriira dacwadaha ay gudbiyeen machadka sharciga ee Katiba Institute iyo xarunta Afrika ee maamulka .