Kenya iyo Uganda oo wada saxiixday 8 heshiisyo ah

0
259

Dowladaha Kenya iyo Uganda ayaa wada saxiixday heshiisyo iskaashi ah oo gaaraya ilaa siddeed si ay u xoojiyaan xiriirkooda.
Tani ayaa timid ka dib markii ay wada hadal yeesheen madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni oo shalay dalka yimid iyo dhiggiisa Kenya William Ruto.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in heshiisyadan ay sii adkeyn doonaan 17 is-afgaradyo ah oo hadda jira, wada shaqeynta labada dowladood iyo dardargelinta horumarka dhaqaale.
Heshiisyada ayaa ku qotomo dalxiiska, gaadiidka , macdanta, kalluumeysiga, beeraha, xoolaha, horumarinta maalgashiga , hal-beegyada iyo tayo-dhowrka.
William Ruto ayaa sheegay in Kenya iyo Uganda ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah si barwaaqo loo gaaro iyadoo ay ka wada shaqeynayaan isdhexgalka gobolka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa cadeeyay in heshiiska dhanka gaadiidka looga gol-leeyahay casriyeynta nidaamyada gaadiidka, wanaajinta dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo gudbinta badeecooyinka.
Waxaa uu dhiggiisa Uganda , Yoweri Museveni ku wargeliyay qorsho la doonaya in marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka uu isku xiro magaalooyinka Naivasha iyo Malaba ilaa Uganda.
Sidoo kale , waxaa uu qorshuhu yahay in laba qaybood laga dhigo waddada wayn ee xiriirisa Nairobi-Nakuru-Mau Summit oo la filaya in la gaarsiiyo Malaba ilaa Uganda.

Kenya iyo Uganda waxay si dhow uga wada shaqeyn doonaan daaweynta xoolaha , dalagga iyo taageeridda sugnaanshaha cunno ee gobolka.
Sidoo kale , labada dowladood ayaa mashaariicda horumarineed iyo kaabayaasha ka fulin doono magaalada Busia iyo labadeeda dhinacba.
Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in ay qaybsadaan kheyraadka jasiiradda Migingo oo muddo lagu muransanaa.
William Ruto iyo Yoweri Museveni ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay canshuuraha ku leeyihiin arrimaha ganacsiga ee dalalka xubnaha ka ah jaaliyadda bariga Afrika ee (EAC).
Waxay sheegeen in loo baahan yahay in arrintan xal degdeg ah laga gaaro.
Madaxweynaha dalka Uganda , Yoweri Museveni ayaa dhankiisa dowladaha bariga Afrika iyo si guud qaaradda ugu baaqay in ay iswaafajiyaan suuqyadooda oo ay xoojiyaan karaanka wax soo–saarka maxalliga ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Maraykanka uu horumar gaaray maadaama uu aasaasay suuq wayn taasi oo fududeysay ganacsiga kana dhigtay mid wax ku ool ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladda Uganda ay ka go’an tahay xallinta caqabadaha dhanka kalluumeysiga ee jasiiradda Migingo.