Madaxa xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha Michelle Bachelet ayaa maanta sheegtay inay suurtagal tahay in Israa’iil ay gudaha Falastiin ka gaysatay dembiyo dagaal.
Howlgallo militari oo 11 cisho ka socday marinka Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 248 qof ka hor inta aan la soo afjarin.
Mrs. Bechelet ayaa sidoo kale ururka Xamaas ee Falastiin ku eedeysay in ay ku xadgudubtay xeerarka caalamiga ee baniaadanimada maadaama ay gantaalo ku soo tuuraysay dhanka Israa’iil.