Waxaa ismaamulka Busia maanta lagu soo gabagabeynaya daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah oo muddo toddobaad ah haweenka looga daaweynayay xaaladda isku-furanka ee loo yaqaano Fistula.
Barnaamijkan oo ay taabbagelinaysa laanta tabarucaadda ee M-PESA Foundation ayaa waxaa ka faa’iiday in ka badan 200 oo dumar ah.
Daryeelka oo laga bixinaya isbitaalka guud ee Busia ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah hay’adda dhakhaatiirta wareegga ee Flying Doctors , iyo hay’adaha Amref iyo UNFPA.
Barnaamijkan ayaa soo billowday 18-kii bishan Toddobaad waxaana baaritaan lagu sameeyay 218 oo haween ah.
Waxaa qalliin loo sameynaya 63 dumar ah.
M-pesa Foundation ayaa sheegtay in maadaama ay u dabbaal degaysa 15 sano in ay guud ahaan dalka ilaa 700 oo qof oo isugu jiro haween iyo gabdho laga daryeeli doono isku –furanka.
Waxaa arrintan warbaahinta uga warramay oo M-pesa Foundation uga mahadceliyay barasaab ku xigeenka dowlad deegaanka Busia Dr. Arthur Odera.
Tan iyo sanadkii 2021, waxaa daryeelladda ka dhanka ah isku-furanka ka faa’iiday in ka badan 800 oo dumar ah oo ku sugan ismaamullo kala duwan sida Migori, Kisii, Bungoma, Nyeri, Tharaka Nithi, Kajiado, Kilifi, Garissa, Makueni, Homa Bay, Kiambu iyo Nairobi .