Waxaa lagu soo warramayaa in Israa’iil ay Waqooyiga Qaza ee dalka Falastiin gaarsiisay gargaar yar oo laga soo daadinayay dhanka hawada sare.
Waxaa halkaasi ku dhaawacmay 11 ruux .
Qaramada Midoobay ayaa arrintan ku tilmaantay mid aan waxtar lahayn oo ay ku geeriyoon karaan shacab dheeraad ah oo gaajeysan.
Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa weli duqeymo ka wado Qaza hal maalin un ka dib markii ay dileen ugu yaraan 71 qof oo ay ka mid ahaayeen 42 sugayay in gargaar baniaadannimo loo fidiyo.
Militariga Israa’iil ayaa sidoo kale la wareegay markabka Handala.
Waxay qabteen 21 ka mid ah shaqaalaha markabkaasi xilli ay isku dayeen in ay jebiyaan go’doominta Israa’iil ay saartay marinka Qaza.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duqeymaha militari ee Israa’iil ay ka wado Qaza waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 59,733 qof halka muddadan gudaheeda la dhaawacay 144,477 kale.