Murkomen oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah shirkadaha shaqaaleysiinta ee khiyaanada sameeya

0
665

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr.Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in dowladdu ay si wayn ula dagaallami doonto shirkadaha dadka shaqaaleysiiya ee khiyaanada sameeya .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shirkadahan ay ku soo bateen magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Murkomen ayaa tilmaamay in ay jiraan dad badan oo ka soo jeedo dowlad deegaankaasi oo lacago laga dhacay ka dib markii loo ballan qaaday in ay shaqooyin mise deeqaha waxbarashada ka helayaan qurbaha.
Wasiirka ayaa xusay in dhammaan shirkadaha sharci darrada ah la cirib tiri doono labo toddobaad gudahooda sidii uu amar ku bixiyay madaxweynaha dalka William Ruto.