DHAGEYSO:Shacabka Laikipia oo ka cabanaya amni darro

0
555

Dadweynaha ku nool tuulooyinka Sumbego iyo Raya ee ismaamulka Laikipia ayaa dowladda ka codsaday in ay amniga xoojiso.
Tani ayaa timid ka dib markii qof da’diisu lagu sheegay 24 sano halkaasi lagu dilay.
Xilli ay maanta dibadbax dhigeen ayay dadweynaha sheegeen in ay sare u kaceen falalka amni darrada sidaas awgeedna ay dalbanayaan in saraakiisha ammaanka ay tallaabooyin degdeg ah qaadaan .