Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono siyaasiyiinta jeedinaya hadallada ay dadweynaha ku kala qaybinayaan.
Xilli uu warbaahinta wareysi ku siinayay magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayuu Murkomen wacad ku maray in aan marnaba loo dulqaadan karin in shacabka la isku diro iyadoo la eegaya dano siyaasadeed.
Waxaa uu rayidka ku boorriyay in aynan marnaba oggolaan in hoggaamiyaasha siyaasadeed ay kala qaybsanaan ka dhex abuuraan.
Dhanka kale , waxaa baaq nabadeed diray qaar ka mid ah waxgaradka Uasin Gishu oo shacabka ka codsaday in ay si nabad ah ku wada noolaadaan iyagoo siyaasiyiinta uga digay jeedinta hadallada naceybka ku saleysan.




