Wafdi ka socdo boqortooyada Sacuudi Carabiya oo gaaray magaalada Dimishiq ayaa shaaciyay in xukuumadda Riyadh ay gudaha dalka Syria ka sameyn doonto maalgashi ah 5 bilyan oo doollar.
Waxaa tani dib loogu dhisaya Syria oo ay colaaddu ragaadiyeen.
Wafdiga oo ka kooban ilaa 150 maalgashato ah iyo wakiillo matalaya waaxyaha dowladda Sacuudiga iyo kuwa gaarka ah ee kulanka uga qayb galay Dimishiq ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka maalgashiga ee Sacuudiga Khalid Al-Falih.




