Barasaabkii hore ee West Pokot iyo 7 eedeysanayaal oo kale oo dembi lagu waayay

0
254

Maxkamadda magaalada Eldoret ayaa wax dembi ah ku waysay barasaabkii hore ee ismaamulka West Pokot Prof. John Lonyangapou iyo 7 tuhmaneyaal oo kale.
Waxaa loo haystay kiis ku aaddan qandaraaska soo iibinta galleyda.
Hasa ahaate , garsooraha sare ee maxkamadda Eldoret ,Richard Odenyo ayaa sheegay in dowladda ismaamulka Galbeedka Pokot ee uu hoggaaminayay Lonyangapou ay si nidaam ah u soo iibsatay 5,000 oo ah kiishash galley oo loogu talagalay dadka nugul.
Waxaa uu xaakinka xusay in marka lagu saleeyo caddeynta maxkamadda lala wadaagay aynan jirin lacag la lunsaday mise xeer la jebiyay intii ay howshaasi socotay.
Waxaa qandaraaskaasi ku baxday lacag dhan 18 milyan oo shilin.