Madaxweynaha Iiraan oo sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay dagaalka Israa’iil

0
359

Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay dagaal kasta oo ay Israa’iil ku qaadi karto, isaga oo intaa ku daray in aanu rajo ka qabin xabad joojinta u dhaxaysa labada dhinac, isagoo dhinaca kale xaqiijiyay in xukuumadda Tehran ay ka go’an tahay sii wadida barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Pezeshkian ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu maanta siiyey wakaalada wararka ee Aljazeera taasoo ahayd midii ugu horeysay tan iyo dhamaadkii 12-ka maalmood ee iskahorimaadka dhexmaray Israa’iil bishii hore, kaasoo Mareykanka uu soo farageliyay oo uu ku weeraray xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan.
Hadalladan ayaa imaanaya iyadoo dalalka reer galbeedka ay sheegeen inay xal u raadinayaan hamiga nukliyeerka ee Iiraan ee socda ka dib colaadda, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in weerarrada lagu qaaday xaruumaha Nukliyeerka ay waxyeello ka yar tahay midda ay sheegtay xukuumadda Washington.