Iyada oo ay isasoo tareyso isbeddelka welwelka leh ee ka dhex jira Dugsiyada Sare ee dalka, Dugsiga Sare ee Gabdhaha ee Nakuru ayaa si ku meel gaar ah loo xiray Arbacada maanta ah, ka dib markii ardayda ay bilaabeen rabshado saacado ka hor.
Ardaydan ayaa burburiyay hanti aan la ogeyn qiimaha ay ku fadhido, iyadoo maamulka dugsigu uu daboolka ka qaaday dhibaatada ka dhalatay imtixaankii dhammaadka xilliga labaad ee waxbarashada ee dhawaan la qaadayo.
Wararka ayaa sheegaya in ardayda aysan ku faraxsanayn xilliga la qaadayo imtixaanaadka.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu qiray cabashada ardayda, maamulaha dugsiga ayaa bannaabaxa ku tilmaamay welwelka ay ardeyda ka qabaan imtaaxaanka oo aysan khusayn jadwalka imtixaanka.
Illa hadda maamulka dugsigan ayaanan shaacin xilliga dib loo furaayo iskuulka oo ka mid ah kuwa ugu caansan ismaamulka Nakuru ka dib qalalaasaha maanta dhacay.
Xiritaanka dugsiga gabdhaha ee Nakuru ayaa ku soo beegmay maalmo un ka dib markii la xiray dugsiga sare ee gabdhaha ee Kaplong ee ismaamulka Bomet.
Dhacdo kale, Dugsiga Sare ee Wiilasha Tambach ee dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet ayaa sidoo kale ku qasbanaaday in la xiro ka dib markii ardayda ay sameeyeen bannaanbax iyadhoo aan la shaacin sababtii ka dambeeysay dhacdadaas.
Tan iyo bilowgii bishan Luulyo, in ka badan 10 dugsi ayaa lagu soo waramayaa in ay hakad galeen howlihii waxbarasho ee ardayda.




