Xuutiyiinta oo gantaal ku tuuray garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion

0
421

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay inay gantaal ballistic ah ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion oo u dhow magaalada Tel Aviv.
Militariga Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in ay qabteen gantaal laga soo riday dalka Yemen ka dib markii la howl galiyay seeriga duqeymaha cirka ah oo ka dhacay gobollo badan oo ka mid ah Israa’iil.
Duqeymaha Xuutiyiinta ayaa daba socday weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen bar tilmaameedyo ay Xuutiyiintu ku lahaayeen dekedda Xudeyda ee dalka Yemen Isniintii shalay ahayd, weerarkaas oo ahaa kii ugu dambeeyay ee ay ku qaadeen kooxda ay Iiraan taageerto, kuwaas oo gantaalo ku garaacaya Israa’iil, isla markaana weeraraya maraakiibta ku sugan badda cas, si ay u taageeraan Falastiiniyiinta Qaza.