Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska oo mashaariic ka wada fulinaya waqooyi bari

0
517

Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ayaa si wadajir ah xariga uga jaray qorshaha dhaqaale ee magaalooyinka ku yaalla waqooyiga wadanka.
Barnaamijkan ayaa looga gol-leeyahay in shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada sidoo kalena sare loogu qaado nolol maalmeedka qoysaska.
Mashruucan ayaa loo yaqaanaa (SUED) waxaana dhawaan xariga ka jartay danjiraha Ingiriiska ee Kenya Jane Mariott oo safar ku tagtay Mandera.
Waxay sheegtay in barnaamijkan uu kaalin weyn ka qaadan doono xasilooni darrada saameysa xadka ay wadagaan wadamada dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya.
Qorshaha waxaa qayb ka ah in dhallinyarada loo abuuro fursado shaqo si aan loogu duufsan falalka xagjirnimada.