DHAGEYSO:Munaasabad duco qaran ah oo lagu qabtay baarlamaanka

0
320

Waxaa xarunta golaha qaran ee xeer dejinta saaka lagu qabtay munaasabad wadanka loogu duceynayay oo ah midii 18-aad.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta , ku xigeenkiisa William Ruto, madaxa cadaaladda Martha Koome , guddoomiyaha aqalka sare Ken Lusaka, dhigiisa baarlamaanka Justin Muturi iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay .
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka iyo dowladda ay iska kaashadaan xallinta caqabadaha wadanka ka jiro.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in dadweynaha ay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada dowladda ay ku xakameynayso faafidda cudurka COVID19.
Ku xigeenka madaxweynaha wadanka Dr. William Ruto ayaa dhankiisa wasaaradda caafimaadka uga mahadceliyay sida ay ula tacaashay xaaladaha caabuqa corona.
Ruto ayaa xusay in ay arrin lagu farxo tahay in hadda laga hadlaya bixinta tallaalka ka dhanka ah cudurka halka horay diiradda la saarayay ka hor tagga is-qaadsiinta cudur sidaha.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in tallaabooyinka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19 sida gacmo dhaqashada iyo kala fogaanta ay hoos u dhigeen cuduradii kale ee ka dhalan jiray nadaafad darrada.
Waxay xustay in dowladda dhexe ay muujisay dadaal dheeraad ah oo ay kula tacaalayso cudurka.
Sidoo kale Dr. Mwangangi ayaa sheegtay in baarlamaanka , aqalka sare iyo barasaabyada ismaamullada ay dowladda dhexe garab buuxa ku siiyeen la dagaalanka caabuqa.
Waxay intaasi ku dartay in howlaha ganacsiga hadda inta badan lagu fuliyo qaab online ah maadaama la xaddiday isku socodka.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ahna senatarka ismaamulka galbeedka Pokot Samuel Poghisio ayaa xusay in cudurka COVID19 uu saameeyay howlaha senate-ka maadaama qaar ka mid ah senatarrada uu xanuunka haleelay.
Dhanka kale madaxda kaniisadaha ee ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa soo jeediyay in munaasabado wadanka loogu duceynaya lagu qabto dowlad deegaanada.