Saraakiisha booliiska ee saldhigga Khwisero ee ismaamulka Kakamega ayaa baadigoob ugu jiraa mid ka mid ah macallimiinta dugsiga hoose ee Elwangale oo lagu eedeeyay inuu faraxumeeyay 18 ka mid ah ardeydii dugsigaas.
Macallinka ayaa la sheegay inuu bartilmaameedsan jirey ardeyda da’dooda u dhexeysa 12 iyo 16 jir oo aan hadda ka hor lagu wargelin booliiska, maamulka iskuulka ama waalidiinta.
Qaar ka mid ah ardeyda ay dhibaatada soo gaartay ayaa ka shekeeyay siyaabihii uu macallinka gooni uga saari jirey ardeyda kale si uu falalka arxan darrada ugu sameeyo.
Dhanka kale waalidiinta ardeyda ay dhacdadan saameysay ayaa maamulka dugsiga ku eedeeyay inay ka gaabiyeen waajibaadkooda ee badqabka carruurtooda.




