Martha Koome oo ka codsatay waaxda Fulinta dowladda iyo siyaasiyiinta inay joojiyaan weerarrada ka dhanka ah Garsoorka

0
415

Madaxa cadaalada dalka Martha Koome ayaa si adag u daleceeysay faragelinta iyo weerarada ay siyaasiyiinta ku hayaan saraakiisha garsoorka.
Koome, oo ah Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Maamulka Cadaaladda (NCAJ), ayaa ugu baaqday saraakiisha garsoorka inay sii adkaystaan oo ay dhexdhexaad ka noqdaan gudashada waajibaadkooda, xitaa iyadoo ka codsatay madaxda waaxda fulinta dowladda dhexe iyo siyaasiyiinta inay ixtiraamaan oo ay u oggolaadaan maxkamadaha inay u shaqeeyaan si madax bannaan.
NCAJ ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijineyso madax banaanida Garsoorka, iyadoo ku boorisay in mar walba la ilaaliyo, maalmo kadib markii Madaxweyne William Ruto uu dhaleeceeyay go’aan maxkamadeed oo booliiska ka mamnuucaya inay xiraan waddooyinka magaalada Nairobi.
Golaha ayaa waxaa uu ku dhiiri galiyay maxkamadaha in ay ku dhaqmaan dammaanad iyo go’aannada curaarta si caddaalad, saami qaybsi, iyo dheelitirnaan si loo xaqiijiyo caddaaladda dhammaan.
Waxaa ay sidoo kale ugu baaqday guddiyada madaxa banaan inay si adag ugu shaqeeyaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Golaha ayaa waxaa kale oo uu ugu baaqay booliiska in ay ilaaliyaan sharciga iyo kala dambaynta oo ay ku dheehan tahay xirfad, saami qaybsi iyo ixtiraamka xuquuqul insaanka, iyaga oo ku booriyay in si buuxda loogu hoggaansamo ilaalinta dastuurka iyo la jaan qaadka mabaadi’da xuquuqul insaanka.
Waxaa uu sidoo kale ku booriyay booliiska inay xaqiijiyaan ammaanka iyo sharafta haweenka, carruurta, iyo kooxaha kale ee nugul.
Waxaa uu carrabka ku adkeyay baahida loo qabo in si degdeg ah loo xiro iyo tallaabo go’aan leh oo looga jawaabayo tirada sii kordheysa ee kiisaska xadgudubyada galmada ee laga soo sheegay mudaaharaadyadii ugu dambeeyay.
Golaha ayaa waxaa uu qiray in mudaaharaadyada ay muujinayaan niyad jabka dhallinyarada oo ay ka tarjumayaan tabashooyinka hoose ee maamulka ee ku aaddan adeeg bixinta, isla xisaabtanka, shaqo abuurka, iyo ka mid noqoshada. Waxaa uu sheegay in codadkaas la maqlo, la fahmo, oo wax laga qabto.
NCAJ ayaa waxaa kale oo uu walaac xooggan ka muujiyey hadalada siyaasadaysan ee wax u dhimaya sareynta sharciga, isla markaana khatar ku ah inay hurinayaan kala qaybsanaan qowmiyadeed.
Waxaa uu ka digay in taariikhda dalka ay tahay xasuus ka dhan ah cawaaqib xumada ka dhalan karta xagjirnimada siyaasadeed waxaa uuna ku booriyay dhammaan siyaasiyiinta inay is xakameeyaan.
NCAJ ayaa qiray in ay jiraan dulduleelo iyo caqabado dhanka maaraynta nidaamka guud iyadoo la ilaalinayo xaqa isu imaatinka iyo mudaaharaadyada, isagoo intaa ku daray in ay ka go’an tahay in ay la shaqeyso guddiga dib u habeynta sharciga Kenya iyo dhinacyada kale si loo soo afjaro farqiga u dhaxeeya.
Golaha ayaa waxaa kale oo uu ku baaqay in si degdeg ah loo howl geliyo oo loo helo khasnadda magdhawga dhibbanayaasha oo ay bixiso Wasaaradda Maaliyada si ay ugu suurtogasho maxkamadaha inay bixiyaan ammarada magdhawga dhibanayaasha tacadiyada iyo xariga xaqdarrada ah.