Dadka deegaanka Homa Bay oo walaac ka muujinaya duurjoogta

0
421

Shacabka ku nool Tuulada Lala ee ismaamulka Homa Bay ayaa ugu baaqaya waaxda adeega duurjoogta Kenya in ay si deg deg ah wax uga qabtaan duurjoogta, kadib markii shabeel uu dilay neefaf ido ah oo ay dadka deegaanka.
Idaha oo uu lahaa Apollo Otieno oo ka mid ahaa dadka deegaanka, ayaa lagu soo waramaya in dhibaato badan ay u gaysteen duurjoogta
Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii dadka deegaanka ay sheegeen in qaar ka mid ah xaywaanada duurjoogta ah ay weeraro ka gaysteen ismaamulka Homa Bay.
(KWS) oo goobta ay dhacdadan ka dhacday gaaray ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan falkan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay walaac xoogan ka muujinayaa duurjoogta weerarka ku heysa iyagoona dowlada baaq u diray.
Madaxa Waaxda KWS ee ismaamulka Homa Bay Jackson Kubor ayaa u xaqiijiyay dadka deegaanka in wax laga qaban doono duurjoogta saameynta ku heysa dadka ku nool a Tuulada Lala ee Homa Bay.