Trump oo canshuur dhan boqolkiiba 30 ku soo rogay dhammaan badeecadaha ka yimaada Midowga Yurub iyo Mexico

0
376

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa canshuuro boqolkiiba 30 ah ku soo rogay badeecadaha laga keeno Mexico iyo Midowga Yurub oo bilaaban doono 1-dii bisha soo socoto ee August, toddobaadyo ka dib markii wada-xaajoodyo lala yeeshay ganacsiyada waaweyn ay ku guuldareysteen inay gaaraan heshiis ganacsi oo ballaaran.
Trump ayaa canshuura cusub ee uu ku soo rogay Wada-howlgalayaasha ganacsiga ee ugu weyn Mareykanka ku shaaciyay laba qoraal oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay aalada Truth Social.
Canshuurahan ayaa uu u sababay doorka Mexico ee socdaalka sharci darrada ee Mareykanka iyo daroogooyinka iyo sidoo kale dheelitir la’aanta ganacsiga ee Midowga Yurub.
Horraantii toddobaadkan, Trump ayaa waxaa uu u soo saaray ogeysiisyo cusub oo casnhuur ah in ka badan 20 waddan, oo ay ku jiraan Japan, Kuuriyada Koonfureed, Canada iyo Brazil iyo sidoo kale 50 boqolkiiba qiimaha naxaasta.
Guddoomiyaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen oo ka jawaabaysa arrintan ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu qaado tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si uu u ilaaliyo danihiisa, “oo ay ku jiraan qaadashada tallaabooyin ka hortag ah oo dheellitiran haddii loo baahdo”.
Von der Leyen ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ururku uu diyaar u yahay “inuu sii wado ka shaqaynta heshiiska marka la gaaro 1-da Agoosto”.