Ruushka oo sheegay inuu burburiyay diyaaradaha Ukraine

0
470

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in hannaankeeda difaaca hawada sare uu burburiyay 69 ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka oo ay xalay adeegsatay Ukraine.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka ee RIA.
Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Lipetsk, Igor Artamonov ayaa sheegay in haweeney 70 sano jir ah ay ku dhimatay halka 2 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen burburka diyaarad laga leeyahay Ukraine oo ku soo dhacday dhisme gobolkaasi ku yaalla.