Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in laga billaabo 5-ta ilaa 14-ka bishan Toddobaad ee July guud ahaan waddanka uu ka qabsoomi doono olole carruurta looga tallaalaya xanuunnada jadeecada iyo tiifoowga.
Waxaa tallaalka ka dhanka ah jadeecada la siin doonaa carruurta dhallan 9 bilood ilaa kuwa ay da’doodu tahay 5 sano halka tiifoowga mise Typhoid-ka laga tallaali doono kuwa u dhexeeya 9 bilood ilaa 14 sano.
Wasaaradda ayaa sheegtay in cudurradan ay khatar ku yihiin caafimaadka carruurta balse laga hor tagi karo.
Intii u dhexeysay bishii Koowaad ee sanadkii 2024-kii ilaa bishii Labaad ee sanadkan waxaa gudaha Kenya laga xaqiijiyay xaaladaha cudurka jadeecada oo gaaraya 2,949.
Kiisaskan ayaa laga diiwaangeliyay 18 ismaamul waxaana xanuunka u geeriyooday 18 ruux.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa waalidiinta iyo daryeel-bixiyaasha ugu baaqday in ay xaqiijiyaan in carruurta ay qaataan tallaalka.