Madaxweynaha dalka oo la kulmay xoghayaha guud ee Commonwealth

0
394

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magaalada London ee boqortooyada Ingiriiska kula kulmay xoghayaha guud ee dalladda waddamada barwaaqa-sooranka ah ee loo yaqaano Commonwealth , Shirley Ayorkor Botchwey.

Waxaa uu qoraal ku sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta hay’adaha dimuqraadiga ah, ballaarinta fursadaha dhaqaale iyo u adkeysiga arrimaha cimillada ee dalka iyo si guud gobolka.

Sidoo kale , waxay ka wada hadleen taageeridda maamul loo dhan yahay, awoodsiinta da’yarta iyadoo loo maraya dhanka tacliinta , xirfadaha , tiknoolojiyadda iyo isbeddel lagu sameeyo hannaanka ganacsiga si loo helo maalgashiga gaarka ah.

Ruto iyo xoghahaya guud ee waddamada barwaaqa-sooranka ee Commonwealth ayaa ku heshiiyay in si degdeg ah loogu baahan yahay wax ka qabashada saameynta ka dhalato isbeddelka ku yimaada cimillada.

Waxaa uu intaasi ku daray in ay ku dadaalayaan wanaajinta maamulka waaxyaha dowladda si gaar ah adeegsiga tiknoolojiyadda si loo dardargeliyo waxqabad wanaagsan iyo daahfurnaan.