DHEGEYSO:Qaliinka baaritaanka oo xaqiijiyay in qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay u dinteen dhaawacyo ka soo gaaray rasaas

0
383

Saddex ka mid ah 6 qof oo mudaaharaadayaal ah oo meydadkooda lagu sameeyay qaliinka baaritaanka oo ka dhacay goobta lagu keydiyo meedadka ee City Mortuary iyo isbitaalka qaran ee Kenyatta, ayaa u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray rasaas.
Dadka geeriyooday oo qaliinka lagu sameeyay ayaa kala ah Ian Sabatia Opango oo 17 sano jir ahaa, Kelvin Njau oo 23 sano jir ahaa iyo 29 jir lagu magacaabo Fred Wamale Wanyonyi oo waardiye ka ahaa shirkadda Korontada ee KPLC xafiiskooda Stima Plaza.
Qaar ka mid ah qoysaska dadka ku geeriyooday mudaharaadyadii 25-kii bishii hore ee June ayaa sheegay in wali loo sameynin qaliinka baaritaanka.
Dhanka kale dowladda ayaa sheegtay in qaliinka meydadka kale ee soo hare la sii wadi doono maanta oo Arbaco ah.