DHEGEYSO:Culumada Muslimiinta oo xadgudub ku tilmaamay xukunka maxkamadda Supreme Court ee xuquuqda dhaxalka

0
436

Qaar ka mid ah Culimaa’udiinka Muslimiinta ee gobolka Xeebta ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aan dhawaan kasoo baxay Maxkamadda ugu Sareysa dalka ee Supreme Court oo ahaa in carruurta aan lagu dhalin guurka ay dhaxli karaan hantida waalidiintooda iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid xadgudub ku ah shareecada Islaamka iyo awoodda Maxkamadaha Kadhiga.
Iyagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Mombasa, culumada ayaa sheegay in xukunkan uu wax u dhimayo xorriyadda diimaha ee dastuurku aqoonsan yahay, isla markaana ka hor imaanayo manhajka Islaamka ee la xiriira dhaxalka.
Waxaa ay ugu baaqeen dowladda iyo hay’adaha sharciga ah inay soo farageliyaan oo ay ilaaliyaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee uu dammaanad qaadayo Dastuurka.
Sheekh Abu Qatada, oo ah Guddoomiyaha Hogaamiyeyaasha Diinta ee Muwaadiniinta Pwani, ayaa walaac ka muujiyay in go’aanka maxkamadda uu iska indho tiray doorka ay maxkamadaha Kadhiga ku leeyihiin garsooridda arrimaha qoyska ee Muslimiinta.
Xukunka murranka dhaliyay ayaa la soo saaray 30-kii bishii hore ee June oo ahaa kiis u dhexeeyay Fatuma Athman Abud Faraj iyo Ruth Faith Mwawasi iyo Kuwo kale.
Sida ay Maxkamaddu sheegtay, iyadoo qodobka 24(4) ee Dastuurku uu ogol yahay ku dhaqanka sharciga Muslimka ee arrimaha shakhsiga ah, haddana ma dhigayo wax ka dhaafid ah qodobada sinnaanta ee ku xusan qodobka 27-aad.
Maxkamaddu ayaa waxaa ay xukuntay in diidmada dhaxalka ee ku saleysan duruufaha dhalashada cunugga, ay tahay mid aan loo dulqaadan karin oo aysan dan ugu jirin ilmaha.
Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyayaasha Muslimiinta ayaa ku doodaya in xukunkani uu ka hor imanayo madaxbannaanida maxkamadaha Kadhiga, oo dastuurku dhigayo qodobka 170 si ay u qabtaan arrimaha guurka, furriinka, iyo dhaxalka Muslimiinta.