Afar tuhmane oo burcad hubaysan ah oo lagu xiray Diani

0
390

Booliiska ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin koox dambiilayaal ah oo lala xiriirinayo falal dhac ah oo ka dhacay magaalada Diani ee ismaamulka Kwale.
Saraakiil ka kala socoto hay’adaha kala duwan ee ammaanka ayaa weerar ay ku qaadeen deeganada Magutu iyo Ukunda Scheme ee maamul hoosaadka Msambweni ku soo qabtay eedeeysanayaasha.
Tuhmanayaasha ayaa la helay iyaga oo ku hubaysnaa baangado, mindiyo, iyo hub kale intii lagu guda jiray howlgalka dhaci subixii hore.
Waxaa ay haatan ku jiraan gacanta booliiska iyadhoo la sugaayo in maxkamadda la soo taago.
Adeegga Qaran ee Booliiska (NPS) ayaa ku booriyay bulshada inay feejignaadaan oo ay sii wadaan wadaaga macluumaadka ka caawin kara laamaha ammaanka inay la dagaalamaan buracda.