Aqalka Senetka ee dalka ayaa Isniinta maanta ah isku raacay in la qabto kulan loo dhan yahay si loo dhageysto mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah barasaabka ismaamulka Isiolo Cabdi Guyo.
Mooshiinka baarsaabka Isiolo waxaa loo xilsaaray guddi ka kooban 11 xubnood.
Afhayeenka aqalka Senetka Amason Kingi ayaa go’aamiyay in dacwadda xil ka qaadista la dhageysan doono Talaadada 8-da bisha July iyo Arbacada 9-ka isla bishaas.
Goluhu waxa uu ka doodi doonaa sababaha keenay in Guyo xilka laga qaado, kuwaas oo ay ka mid yihiin ku-takri-fal, xafiiseed , xil-gudasho la’aan , iyo inuu ku xad-gudbay shuruuc kala duwan iyo Dastuurka.