Qaar ka mid ah wakiilada laga soo doortay degmooyinka dowlad deegaanka Isiolo ayaa meesha ka saaray ogaysiis rasmi ah oo lagu shaaciyay in Cabdullahi Jaldesa uu yahay afhayeenka cusub ee baarlamaanka ismaamulka Isiolo, iyagoo ku andacoonaya in tallabadaasi ay tahay mid sharci darro ah iyo in si khaldan loo isticmaalo hanaanka dowladeed.
Iyagoo saxaafadda kula hadlayay magaalada Nairobi, 16-ka wakiil ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin daabacaadda Ogeysiiska lagu daabacay wargeyga dowladda ee lambarkiisu yahay 8667 ee ku taariikhaysan 26-kii bishan taasoo ay sheegeen inay ahayd xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay habraaca sharciga.
Waxaa ay ku andacoodeen in uusan dhicin fadhi rasmi ah oo goluhu uu ku doortay afhayeen cusub waxayna ku adkaysteen in Maxamad Roba uu yahay afhayeenka sida saxda ah loo doortay ee golaha baarlamaanka maamul goboleedka Isiolo.
Marka loo eego wakiilada ku dhawaaqista ayaa ah mid marin habaabin ah oo ka soo horjeeda shuruudaha sharciga iyo nidaamka.
Wakiilada deegaanka ayaa sheegay in aan la qaban fadhi rasmi ah oo golaha si loo qabto doorasho xalaal ah waxayna ku eedeeyeen shaqsiyaad aan magacyadooda la shaacin inay faafinta u adeegsadeen inay si qasab ah xilka uga qaadaan afhayeenka baarlamaanka Maxamad Roba qaab aan sharci ahayn.
Ogeysiiskan oo uu saxiixay Karaaniga Golaha Salaad Boru Guracha, ayaa sheegaysa in Cabdullaahi Jaldesa si sax ah loogu doortay afhayeenka iyo Guddoomiyaha Golaha Adeegga Deegaanka 26-kii bishan.
Si kastaba ha ahaatee, wakiilada ayaa waxaa ay ku doodayaan in Karaanigu u dhaqmay si kali ah waxayna ku eedeeyeen in ficilkiisu uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu faragelinayo hoggaanka Golaha.
Wakiilada ayaa waxaa kaloo ay ku eedeeyeen in Karaaniga Golaha, Salaad Boru, uu door muhiim ah ka qaatay soo saarista ogeysiiska muranka dhaliyay.
Waxaa ay ku eedeeyeen inuu ujeedo qarsoon ka leeyahay si uu u wiiqo hoggaanka Golaha.