Aqalka Senetka ayaa yeelan doona fadhi gaar ah Isniinta oo taariikhda ay ku beegan tahay 30-ka bishan Juun si ay uga doodaan xil ka qaadista guddoomiyaha Isiolo Cabdi Ibraahim Xasan Guyo, ka dib ogeysiin rasmi ah oo ka timid afhayeenka baarlamaanka Ismaamulka Isiolo.
Ogeysiiskan oo ku taariikhaysnaa 26-kii Juun 2025, ayaa waxaa uu si rasmi ah u soo gaaray Xafiiska Afhayeenka Senetaka 27-kii bishan. Waxaa uu gudbinayaa qaraarka Golaha Deegaanka ee lagu ansixiyay mooshin lagu doonayo in xilka lagaga xayuubiyo Guddoomiye Xasan iyada oo loo marayo dacwad xilka qaadis ah.
Isaga oo ka jawaabaya, Afhayeenka Senetka Amason Kingi ayaa waxaa uu soo saaray Ogeysiis rasmi ah oo ku taariikhaysan 27-ka Juun 2025, isaga oo ku martiqaadaya mudanayaasha fadhiga gaarka ah ee loo qorsheeyay in uu ka bilowdo 10:00 barqanimo.
Ajandaha koowaad ee kalfadhiga ayaa noqon doona ka fiirsiga eedaha xil ka qaadista ee lagu soo oogay guddoomiye Xasan.
Marka laga soo tago dacwadda xil ka qaadista, Senetaradda ayaa waxaa ay sidoo kale ka doodi doonaan Warbixinta Guddiga Dhexdhexaadinta ee ku saabsan Qeybinta Hindise Sharciyeedka Dakhliga, 2025 (Sharciyada Golaha Shacbiga Qaranka No. 10 ee 2025), oo ay weheliso nuqulka la isku raacay ee sharciga.