Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa si kulul u beeniyay wararka lala xiriirinaya inuu ku lug lahaa mudaaharaadyadii u dambeeyay, isagoo eedeymahaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn.
Isaga oo ka jawaabaya wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan inuu maalgaliyay dibadbaxaasi ayuu kaga jawaabay maxay tahay sababta ay mas’uuliyiintu wax uga qaban waayeen haddii ay haystaan sirdoon lagu kalsoonaan karo .
Waxa uu sidoo kale ka hadlay isku day afgambi oo rayid ah, isagoo ku dooday in haddii kuwa ka dambeeyay qalalaasaha ay si dhab ah isaga u hoos imaan lahayeen , natiijadu ay si weyn uga duwanaan lahayd.
Hadalkiisa ayaa imaanaya ka dib markii wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen uu ku andacooday in qabanqaabiyayaasha dibadbaxyada ay isku dayayeen in ay abaabulaan afgambi.