DHEGEYSO:Maxkamadda deegaanka Kikuyu oo la xiray

0
875

Waxaa si ku meel gaar ah loo xiray maxkamadda deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay ay dibadbaxayaal dab qabadsiiyeen maxkamadda.
Wakiilka deegaanka hoose ee Kikuyu Kamau Boro ayaa xusay in aan la ogeyn muddada ay maxkamadda xirnaan doonto.
Waxaa uu intaasi ku daray in aynan jirin kombiyuutarro iyo galal-dacwadeed ay hadda maxkamaddu ku shaqeyso.
Wakiilka ayaa dhacdadii shalay lagu gubay xaruntaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

Maareeyaha maxkamadda deegaanka Kikuyu ,Duke Mainye ayaa dhankiisa xusay in goobtaasi la gaarsiiyay burbur aad u wayn.