Waxaa uu qorshuhu yahay in wakiillada deegaannada hoose ee ismaamulka Isiolo ay maanta yeeshaan kalfadhi ku aaddan xil ka qaadista barasaabka dowlad deegaankaasi Cabdi Guyo .
Waxaa mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha gudbiyey wakiilka deegaanka hoose ee Sericho ,Abubakar Cabdi.
Waxaa uu ku eedeynaya mashaariic badan oo uu hakad galay dhaqangelintooda iyo in maamulkiisa uunan ku guulaysan uruurinta dakhliga canshuureed ee loo baahnaa.
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool Isiolo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qorshaha xilka looga xayuubinaya Cabdi Guyo.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Shacabka Isiolo oo ka hadlay qorshaha xilka looga qaadaya barasaabka ismaamulkaasi