DHEGEYSO:Maamulka isgaarsiinta Kenya oo amar culus dul dhigay telefishanada iyo idaacadaha

0
265

Hay’adda Isgaarsiinta Kenya (CA) ayaa ku amartay dhammaan TV-yada iyo idaacadaha inay joojiyaan tabinta tooska ah ee sanadguurada 25-ka Juune taaso maanta ku beegan iyadoo qeybo ka mid ah dalka ay ka socdaan dibadbaxyo aad u xoogan.
CA ayaa digaysa in tallaabo sharci ah oo ku aaddan u hoggaansanaan la’aanta laga qaadi doono warbaahinada sida tooska ah u tabinaya dibadbaxyada.
Warqad ku taariikheysneyd 25-kii Juun oo ku socotay dhammaan war-fidiyeennada, ayuu Agaasimaha Guud ee CA David Mugonyi u cuskaday xad-gudubyada qodobbada 33(2) iyo 34(1) ee dastuurka, oo ay weheliso qeybta 461 ee sharciga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Kenya, 1998, taasoo saldhig u ah.
Haatana hadii aan eego sharciga muxuu ka qaba in warbaahinada laga hor istaago xuriyadooda
Qodobka 33(2) waxa uu xadidayaa xoriyada hadalka isaga oo mamnuucaya hurin colaadeed, hadal nacayb, ama u doodista nacaybka.
Qodobka 34(1) waxa uu dammaanad qaadayaa xoriyada warbaahinta balse waxa uu xadidayaa in dawladu maamusho baahinta.
Qaybta 461 ee Xeerka Isgaarsiinta ayaa siinaya Hay’adda awoodaha ay ku maamusho baahinta wararka iyo inay hubiso u hoggaansanaanta. Qareenada maxay ka yiraahdeen arrintan.