Musalia Mudavadi oo walaac ka muujiyay baaq ka soo baxay beesha caalamka

0
238

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurba-joogta Musalia Mudavadi ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay is-ixtiraamka iyo xiriirka diblumaasiyadeed,kaddib war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen 12 ka mid ah ergada diblumaasiyadeed ee reer galbeedka ee ku sugan magaalada Nairobi,kaas oo ku saabsan mudaaharaadyo la qorsheynayo in uu maanta dalka ka dhaco.
Wasaaraddu waxay xaqiijisay in “xuquuqda isu imaatinka nabdoon iyo xoriyatul qawlka ay weli yihiin tiirarka la ilaaliyo ee dimoqraadiyada dastuuriga ah ee Kenya.
Iyadoo la muujinayo welwelka ku saabsan hababka booliiska qaarkood ay kula dhaqmaan dibadbaxyaasha ayaa Musalia Mudavadi,, waxaa uu beesha caalamka u xaqiijiyay in “xadgudub kasta lagu xallin doono si nabad ah iyada oo loo marayo hay’ado madaxbannaan, oo ay ku jiraan Garsoorka iyo Baarlamaanka.”
Si kastaba ha ahaatee, waxaa uu ka digay in beesha caalamka ay ka waantoobaan kor u qaadista arrimaha khatarta ah taasi oo sii hurin karta xiisadda dalka ka taagan