Taliyaha Guud ee ciidanka Booliska dalka Douglas Kanja ayaa uga digay mudaaharaadayaasha inay ka fogaadaan meelaha aadka loo ilaaliyo ,iyadoo maanta uu dalka ka dhici doono mudaaharaad laga cabsi qaba in uu sababo rabshado.
Mudaaharaadka maanta ay dhalinyarada doonayaan in ay sameeyaan waxaa lagu maamuusaya sanad guuradii ka soo wareegtay dibadbaxyadii ay dad badan ku nafwaayeen oo dalka gilgilay 25-kii bishii june ee sanadkii 2024-kii.
Shir jaraa’id oo uu qabtay taliye Kanja ayaa xusay in saraakiisha booliisku ay ku dhaqmi doonaan si waafaqsan sharciga si ay u ilaaliyaan nafta iyo hantida dadweynaha.
Waxa uu ku booriyay dibad baxayaasha in ay ku shaqeeyaan nabadda marka ay mudaaharaadayaan, isaga oo taasi ku sababeeyay in saraakiishu ay sii wadi doonaan feejignaan.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka bartamaha caasimada dalka .iyadoo lagu arkayay ciidamo badan.