Maamulka NMS oo si ku meel gaar ah mataatuuda uga mamnuucaya bartamaha caasimadda

0
571

Maamulka dowladda dhexe ay u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada aasaasiga ee ay u baahan yihiin shacabka ku nool ismaamulka Nairobi ee NMS ayaa sheegay in maalinka Jimcada si ku meel gaar ah gaadiidka dadweynaha looga mamnuuci doono bartamaha magaalada.
Go’aankan ayaa loo aaneeyay in tijaabo laga sameyn doono goobta basaska la dhigo ee Green Park .
Tijaabadan ayaa noqonaysa midii labaad.
Agaasimaha guud ee NMS Maxamad Baadi ayaa sheegay in tijaabada ay socon doonto inta u dhexeysa 4-ta galabnimo ilaa 8-da fiidnimo.