Afhayeenka aqalka baarlamaanak dalka oo ka hadlay dibadbaxyada dhalinyarada ay berri qorsheeyeen

0
512

Afhayeenka aqalka baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula ayaa ugu baaqay dibad baxayaasha qorsheynaya in ay xusaan mudaaharaadki dalka ka dhacay 25-ka bishii June ee sanadkii 2024-kii in ay si nabad ah u sameeyaan dibadbaxooda si loo baajiyo qalalaase ka dhalan kara khasaare naf iyo maalba leh.
Isagoo ka hadlayay booqasho sharafeed oo ugu tagay Ku-simaha Safiirka Mareykanka Mark Dillard oo sidoo kale doonayay in uu ogaado qorshayaasha Golaha baarlamaanka ka leeyahay xaaladda kacsan, ayaa afhayeenka wuxuu sheegay in uu filayo in mudaaharaadyadu ay noqdaan kuwo aan rabshado ahayn oo nabad ah.
Danjire Dillard ayaa sheegay in safaaradda Mareykanka ay walaac ka muujisay awood xad dhaafka ah oo loo adeegsaday dibadbaxayaasha iyo sidoo kale dilkii loo geystay Albert Ojwang isagoo ku jira gacanta booliska.