Qayb ka mid ah aqoonyahanada soomaaliyeed ee ku nool ismaamulka Isiolo iyo xubno ka tirsan golaha guurtida ayaa codsi u diray xubnaha aqalka baarlamaanka ee dowlad deegaankaas iyo kuwa kale ee dabada ka riixaya in xilka laga qaado baarsaabka Isiolo Cabdi Ibraahim Guyo.
Bulshada soomaaliyeed ee ku nool isiolo ayaa dalbanayaa in habab kale lagu xaliyo khilaafaadka ka jira ismaamulkaas.
Tani, ayay yiraahdeen, waxay abuuri doontaa khatarta ka dhalan karta xasilloonida wada-noolaanshaha nabdoon ee ka dhex jira qowmiyadaha kala duwan ee deggan Isiolo.
Bulshada Soomaaliyeed ee Isiolo waxaa ay ku nuux-nuuxsadeen in inkasta oo xil-ka-qaadistu ay sharci tahay, haddana ay tahay mid khatar gelinaysa horumarka iyo carqaladaynta adeeg bixinta.
Guddoomiyaha Soomaalida ee dowlad deegaanakas Cabduqaadir Shariif C/llaahi, waxay caddeeyeen in aysan taageersaneyn koox siyaasadeed. Hase yeeshe, waxay ballan qaadeen inay hoggaaminayaan dadaallada dhexdhexaadinta si loo kobciyo dib-u-heshiisiin.