DHEGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka oo siyaasiyiinta ugu baaqay in ay ka waantoobaan aflagaadada

0
183

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Masika Wetang’ula ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ku boorriyey in ay ka waantooban siyaasadda ku saleysan aflagaadada iyo kala qaybinta shacabka.
Xilli uu maanta munaasabad kaniiseed uga qayb galay deegaanka Kanduyi ee ismaamulka Bungoma ayuu codsaday in madaxda loo duceeyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay dhaqan xumo tahay in qof mas’uul ah oo xil haya ama doonaya inuu hoggaan qabto uu adeegsado hadallo aflagaaddo ah taasina ay wax u dhimaysa anshaxa jiilalka soo koraya.
Wetang’ula ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay biseyl siyaasadeed oo ka turjumaya waxyaabaha uu soo kordhin karo qofka leh damac hoggaamineed ee uu uga duwan yahay mas’uulka hadda xilka haya.

Dhanka kale , guddoomiyaha baarlamaanka dalka ayaa shacabka kula taliyey in ay isku diiwaangeliyaan caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.

Sidoo kale ,gacan yaraha madaxaxweynaha dalka William Ruto ,Farouk Kibet iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Anthony Kimani Ichung’wah ayaa xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Turbo ee ismaamulka Uasin Gishu waxay madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua ku eedeyeen inuu ku howlan yahay siyaasad qabyaalad ku saleysan.
Mas’uuliyiintan ayaa dhaliilay saraakiisha ammaanka ee adeegsada awooda xad dhaafka ah ee ay mararka qaar ka dhashaan dilalka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ahna hoggaamiyaha xisbiga DCP Rigathi Gachagua ayaa isna ismaamulka Meru ka sheegay in dowladdu ay adeegsanaysa qaswadayaal ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka.