Kalkaaliyeyaasha dalka oo ku adkeystay in shaqa joojinta ay u soconi doonto sidii loo qorsheeyay

0
158

Ururka Qaran ee Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka dalka ee (KNUNM) ayaa ku adkeystay in shaqo joojin loo qorshayay inay dalka ka dhacdo 7-da bisha July ee sanadkan ay wali u qabsoomi doonto sidii loogu talla galay.
Xoghayaha Guud ee Ururka Seth Panyako ayaa abaabulay xubnaha Golaha Qaran ee La talinta inay kulmaan Jimcaha soo socda si ay u ansixiyaan ogaysiiskii shaqo joojinta ee horaantii bishan loo soo saaray labada dowladood ee heer qaran iyo kuwa dowlad deegaanadda iyagoo ku sababeeyay cabashooyin aan la xalin.
Ururku ayaa waxaa uu muujiyay sida ay uga xun yihiin in dowladda aynan wali ka hadlin sagaalka qodob ee xasaasiga ah ee lagu sheegay ogeysiiska 26-ka maalmood ah.
Sida laga soo xigtay ururka, kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa waxaa ay sii wadeen inay ku shaqeeyaan xaalado khatar ah, taas oo abuurtay kala duwanaansho xagga shaqada ah iyo amni-darrada nidaamka caafimaadka dadweynaha.
Dalabaadka ururka ayaa waxaa ka mid ah in shaqaalaha maamulka caafimaadka caalamiga ah ee UHC loo bedello kuwa joogto ah iyo howlgab.