Afar qof oo lagu xiray Mombasa oo lagu sii daayay dhamiin lacageed

0
184

Afar qof oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo Talaadadii lagu xiray Mombasa ka dib markii ay ka qeyb galeen mudaaharaad ay ku dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno shakhsiyaadkii dilay macallin Albert Ojwang’ ayaa lagu sii daayay damiin lacageed oo dhan 5,000 oo shillin midkiiba.
Dadka la xiray ayaa kala ah Francis Auma oo ka tirsan kooxda MUHURI, Walid Sketty ee Haki Afrika, Batuli Swaleh iyo Mugambi Gichunge.
Booliiska ayaa afartan gacanta ku dhigay iyagoo si nabad ah u mudaharadaayay oo dalbanaayo inuu si rasmi ah isku casilo ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska dalka Eliud Lagat.
Lagat ayaa mar sii horeysay ku dhawaaqay in uu si ku meel gaar ah u baneynayo xafiiska si uu u ogalaado in la soo gabagabeeyo baaritaanada ku saabsan dhimashada Ojwang’.
Si kastaba ha ahaatee, mudaaharaadayaasha ayaa ku doodaya in bixitaankiisa ku meel gaarka ah aanu ku filnayn, iyaga oo ku andacoonaya inuu si toos ah uga baxo waaxda ammaanka dalka.
Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ismaamulka Mombasa ayaa si kulul u cambaareeyay xariga, waxaa ayna ku tilmaameen xad gudub bareer ah oo ka dhan ah xuquqaha dastuuriga ah ee xoriyadda hadalka iyo isu imaatinka.
Waxaa ay ku hanjabeen in tallaabo sharci ah laga qaadi doono saraakiisha ku lugta leh waxayna wacad ku mareen inay sii wadi doonaan inay cadaalad u raadiyaan Ojwang’.
Afartan qof ayaa la filayaa in maanta oo Arbaca ah la soo taago maxkamad ku taal Mombasa, halkaasoo lagu soo bandhigi doono eedeymaha rasmiga ah ee loo haysto.