Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR) ayaa diiwaangeliyay 22 qof oo dhaawac ah intii uu socday mudaaharaadyadii shalay lagu dalbanayay in uu is casilo ku xigeenka Taliyaha Guud ee Booliiska Eliud Lagat oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dilka macalin Albert Ojwang’.
Bayaan uu u diray warbaahinadda ayuu ku sheegay guddoomiye ku xigeenka KNCHR Dr. Raymond Nyeris in 22-ka qof ee dhaawaca ah, inta badan dhaawacyadu ay isugu jiraan dhaawacyo rasaas ah, madax goyn, karbaash, dhaawacyo aan fiicneyn iyo weerarro neefta ka dib markii lagu tuuray sunta dadka ka ilmeysiisa.
KNCHR ayaa cambaareysay fowdadii lagu arkay mudaaharaadyadii ka dhacay ismaamullada Nairobi, Mombasa, Kilifi iyo Kwale, iyagoo farta ku fiiqay in lagu soo dhex qariyay dad loogu tala galay inay wax yeelo u geestaan dibadbaxayaasha.
Intaa waxaa dheer, KNCHR ayaa waxaa ay eedeeyn u jeedisay saraakiishii qariyay taarikadha baabuurtooda iyo wajiyadooda taasoo ka soo horjeeda amar dhawaan ay soo saartay maxkamadda sare ee dalka oo lagu amray in saraakiisha ka hortaga mudaxaraadyadda looga baahan yahay inaysan is qarin.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ay jirto cabasho dadweyne oo dhanka cadaaladda ah oo ka dhalatay axmaqnimada booliiska oo la arkay toddobaadyadii lasoo dhaafay.
Shacabka ayaa dowladda ka codsaday in sharciga la horkeeno dhammaan saraakiisha ku lugta leh dilalka sharci darrada ah sida dilkii Ojwang’ iyo toogashadii shalay loo geestay mid ka mid ah weertada ka howlgala magaalada Nairobi.