DHEGEYSO:Xoolo daqatada Nyamira oo tababar loo qabtay

0
201

Beeralayda lo’da iyo ariga ee ku nool deegaano kala duwan oo ka tirsan ismaamulka Nyamira, ayaa helaya tababaro gaar ah oo kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadahooda ku aadan maaraynta xoolaha, wax soo saarka caanaha, iyo guud ahaan wax soo saarka beeraha. Barnaamijyadan tababarku waxay ujeedadoodu tahay in beeralayda lagu qalabeeyo farsamooyinkii ugu dambeeyay ee dhinacyada sida taranta, quudinta, maaraynta caafimaadka, iyo nadaafadda, taasoo ugu danbayn gacan ka geysanaysa kordhinta wax-soosaarka caanaha iyo horumarinta hab-nololeedyada.
Qaar ka mid ah dadka ka faa’iidaystay tababrka ayaa warbaahinta dareenkooda la wadaagay.