Saddex eedeeysane oo loo haysto dilka Ong’ondo Were oo maanta maxkamadda la soo taagay

0
219

Saddex tuhmane oo lala xiriirinayo dilka xildhibaanka deegaanka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay Charles Ong’ondo Were ayaa ku soo laabtay maxkamadda sharciga ee Kibera maanta iyadoo maxkamaddu ay isugu yeertay si ay u soo saarto tilmaamo dheeraad ah oo khusaayo kiiska.
Ilaa hadda, shan qof ayaa lagu eedeeyay dilka xildhibaanka.
Saddexda qof oo kala ah sarkaal Ebel Ochieng, oo loo yaqaanno Dave Calo, William Shigali iyo Edwin Odhiambo ayaa markii hore la soo taagay bishan Juun 5teedii balse maxkamaddu ay ku amartay in lagu sameeyo baaritaan maskaxeed oo qasab ah.
Eedeysanayaasha oo hadda xabsiga ku jira muddo 50 cisho ah, ayaa doonaya in damiin lagu sii daayo.
Agaasimaha waaxda dacwad oogista dalka (DPP) ayaa ansixiyay eedeymaha dilka ah ee loo haysto dhammaan shanta eedeysane.
Sida laga soo xigtay xafiiska DPP-ga, baaritaanada ayaa waxaa ay muujinayaan in eedaysanayaasha ay maleegeen qorshaha lagu dilay xildhibaanka 30-kii bishii April abaare 7:40 fiidnimo.