Dowladda oo daahfurtay 60 milyan oo gargaar ah oo loogu talagalay dhibanayaasha fatahaadda Tana River

0
150

Dowladda dhexe ayaa waxaa ay bilawday qaybinta lacag dhan 60 milyan oo shilin oo gargaar ah oo loogu talagalay dadka deggan Tana River ee ay saameeyeen fatahaadaha joogtada ah.
Barnaamijkan ayaa waxaa daah furay Xoghayaha Barnaamijyada Gaarka ah Ismaaciil Macallin iyo dhiggiisa waaxda ASALS Kello Harsama oo shalay ka dhacday ismaamulka Tana River.
Xoghayayaasha oo ay weheliyaan xildhibaanka deegaanka Garsen Cali Wario, Xildhibaanka deegaan barlamaaneedka Galole Siciid Buya iyo Xildhibaanka laga soo doortey Bura Yacquub Cadow ayaa qaybinta ka fuliyay Xerada Barakacayaasha Bandi ee Garsen.
Ka faa’iidaystayaasha ayaa helay cunto, bustayaal iyo furaashyo. Isagoo ka hadlay arrintan ayuu Ismaaciil Macallin waxaa uu sheegay in dowladda ay barnaamijkan ku maalgelisay 6o milyan oo shillin.
Macallin ayaa intaas kudaray in in ka badan 2 milyan oo Kenyaan ah ay cunto gargaar ah ka helaan dowladda.
Dhankiisa, Harsama ayaa sheegay in dowladda ay horay jiingado ugu qeybisay dhibanayaasha fatahaadda ee gobolka oo ay ku jiraan 600 oo loogu talagalay dhibanayaasha fatahaadda ee deegaanka Galole.
Marka laga soo tago gargaarka, madaxda ayaa waxaa ay ka faa’iidaysteen fursad ay ku dhiirigeliyaan dadka deegaanka si ay si buuxda uga faa’iidaystaan adeegyada taageerada ee dowladda oo ay ku jiraan Maamulka Caafimaadka Bulshada (SHA) si loo helo daryeel caafimaad oo tayo leh, oo la awoodi karo, iyo barnaamijka NYOTA kaas oo siiya awood dhaqaale iyo fursado tababar oo dhallinyaradda ah.