Haweeney lagu dilay gurigeeda ismaamulka Nyandarua

0
141

Dadka deggan tuulada Vatican ee deegaanka Ol Kalou, ee ismaamulka Nyandarua, ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loo sameeyo baaritaanno qoto dheer kaddib dilkii naxariis darada ahaa ee loo geystay mid ka mid ah ganacsatada ukunta deegaanka iyo hooyo saddex carruur ah leh, taasoo meydkeeda laga helay gurigooda.
Dhibbanaha oo dadka deegaanka ay magaceeda ku sheegeen Moureen, ayaa waxaa laga helay gurigeeda iyadhoo qoorta laga gooyay.
Wakiilka degmada Daniel Gitau ayaa xaqiijiyay dhacdada, isagoo sheegay in dadka deegaanka ay ku wargeliyeen wax yar ka dib 4-tii galabnimo ee shalay.
Waxaa uu ku booriyay bulshada inay la wadaagaan xog kasta oo gacan ka geysan karta aqoonsiga iyo soo qabashada gacan ku dhiiglaha.
Dhanka kale Betty Muchina oo ah mid ka mid ah dadka u dooda xuquuqda haweenka, oo deggan Nyandarua, ayaa cambaareysay dilka, waxaa ayna ku dhaleeceysay maamulka waxaa ay ku tilmaantay inay ka gaabiyeen fal dambiyeedka noocan oo kale ah.
Taliyaha booliiska Nyandarua Stella Cherono ayaa xaqiijisay in baaritaanada ay socdaan, balse aysan jirin cid ila hadda loo soo qabtay falkan.
Meydka qofka dhintay ayaa la geeyay isbitaalka JM Kariuki Memorial Hospital iyadoo booliisku ay sii wadaan baaritaankooda.