Millie Odhiambo oo ku baaqday in baaritaan lagu sameyo nin isku dhex dilay saldhig booliis degmada Homa Bay

0
124

Xildhibaanada laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Waqooyiga Suba ee ismaamulka Homa Bay Millie Odhiambo ayaa ku baaqday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadii is dilka ee la sheegay in qof kalluumeysato ah uu isku dhex dilay saldhigga booliiska Kipasi ee deegaanka Waqooyiga Suba Axaddii.
Odhiambo ayaa waxaa ay ugu baaqday Hay’adda Madaxabanaan ee Kormeerka ku sameeysa howlaha Booliiska (IPOA) in ay dedejiyaan baaritaanada ku saabsan dhimashada ninkan oo lagu magacaabi jiray Calvin Omondi Onditi kaas oo la sheegay in uu isku dilay qolka booliiska saacado yar ka dib markii la xiray.
Xildhibaanada ayaa waxaa ay doonaysaa in IPOA ay si qoto dheer u baarto dhacdada oo ay warbixin dhamaystiran ka bixiso eedaymaha iyada oo ugu baaqaysa dadka deegaanka inay isdejiyaan oo ay siiyaan dambi baarayaasha wakhti ku filan oo ay ku soo gabagabeeyaan shaqadooda.
Omondi oo ka soo jeeda deegaanka Ndhiwa ayaa la xiray habeenimadii Sabtida kadib markii la sheegay in isaga oo qaawan laga helay xerro ari oo ku taal tuulada Ndhuru. Waxaa lagu xiray saldhigga booliiska ee Kipasi halkaas oo markii dambe laga helay isagoo saqafka ka laadlaado.
Odhiambo ayaa walaac xoogan ka muujisay kiisaska isdilka ah ee ku soo badanaayo saldhigyada booliiska iyadhoo sheegtay in arrintan si degdeg ah wax looga qabto.
Waxaa ay dadka deegaanka ugu baaqday inay la shaqeeyaan dambi baarayaasha inta ay sugayaan warbixinta dhimashada ee isbitaalka.